Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga

CODSIYADU WAA FURAN YIHIIN

Isdiiwaangelintu waxay furantahay ilaa 30ka Sebtembar, 2025.

Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) ayaa si rasmi ah u bilaabay Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (IRP). Barnaamijkaan waa hindise taariikhi ah oo loogu talagalay in lagu taageero ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) ee rajo muuqata leh iyo sidoo kale qaybiyeyaasha ka shaqeeya laamaha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

Ujeeddada Barnaamijka IRP waa in la abuuro fursado ganacsi oo horseeda soo kabashada iyo koriinka dhaqaalaha Soomaaliya iyo abuurista shaqooyin loo dhan yahay. Barnaamijku waxa uu iskugu jiraa maalgelin saameyn leh, taagero farsamo iyo iskaashi istiraatiiji ah si loo kobciyo ganacsiyada loona ballaariyo fursadaha suuq geyntooda.

Ku Saabsan Barnaamijka

IRP waxaa loogu talagalay in lagu diyaariyo ganacsiyada Soomaaliyeed ee rajo muuqata leh si ay u helaan maalgelin, iyadoo la siinaayo taagero iyo xirfado farsamo, qaab-dhismeed ganacsi oo xooggan, iyo hab maamul casri ah. Ka-qaybgalayaasha barnaamijku waxay heli doonaan taageero si ay maalgelin uga helaan SDRB isla markaana waxaa loo furi doonaa xiriirka shabakadda iskaashatada bankiga.

Barnaamijku waxaa uu bixin doona taageero dhammaystiran sida hagaajinta qaabka ganacsiga, diyaarinta dukumentiyada maaliyadeed, u hoggaansanaanta sharciga (compliance), iyo farsamooyinka la qabsada isbeddelka cimilada.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, daawo muuqalkaan:

Yaa Codsan Kara?

Waxaa codsan kara ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) iyo sidoo kale qaybiyeyaasha buuxiya shuruudaha soo socda:  

  • Inay ka diiwaangashan yihiin dalka Soomaaliya ama ku jiraan geeddi-socodka sharciyeynta.
  • Inay ka shaqeeyaan beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, ama tamarta dib loo cusboonaaysiin karo.
  • Inay yihiin kuwo muddo labo sano ama kabadan si joogto ah u shaqeynayay.

     

Maxay Ganacsiyada la Xulo Helaayaan?

  • In loo qoondeeyo maalgelin uu bixiyo bankiga.

  • In la siiyo taageero farsamo oo la xiriirta nidaamka maaliyadda, hab maamulka, suuq geynta iyo dhaqamadda ESG.

  • Taageero horumarin oo diiradda saaraysa diyaarinta dhoofinta (export readiness) iyo kordhinta saamiga suuqa.

  • Aqoonsi qaran oo waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan).

Habka Codsiga

Tallaabada ugu horreysa waa in aad buuxiso Foomka Muujinta Daneynta (Expression of Interest), kaas oo lagu heli karo Af-Ingiriis (for the English Expression of Interest, click here) iyo af Soomaali (guji halkaan, haddii aad rabto Af-Sooomali).

Isdiiwaangelintu waxay furantahay ilaa 30ka Sebtembar, 2025.

Nala soo xiriir

Wixii su’aalo ama faahfaahin ah, fadlan ku soo dir irp@sdrb.gov.so ama wac +252 61 327 7757.