Frequently Asked Questions FAQ

Barnaamijka Kobcinta Maalgelinta Ganacsiyada Yaryar (IRP) — Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ)

Waa maxay Barnaamijka Kobcinta Maalgelinta Ganacsiyada Yaryar (IRP)?

IRP waa barnaamij ay fuliso Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB) oo lagu taageerayo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee ka shaqeeya beeraha, kalluumeysiga, xoolo-dhaqatada, iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Barnaamijku wuxuu siinayaa taageero farsamo, tababarro xirfadeed, iyo fursad maalgelin si loo xoojiyo awoodda ganacsiyada loona fududeeyo horumarinta iyo ballaarinta.

Yaa u qalmi kara inuu ka qaybqaato barnaamijka IRP?

Ganacsiyada yaryar iyo iskaashatada ku howlan beeraha, kalluumeysiga, xoolo-dhaqatada, ama tamarta la cusboonaysiin karo ee ku sugan Soomaaliya ayaa u qalma. Waxaa mudnaanta la siin doonaa ganacsiyada leh qorshe ganacsi oo muuqda iyo baahi taageero farsamo iyo maaliyadeed.

Ma codsan karaan ganacsiyada cusub (start-ups)?

Haa, ganacsiyada cusub oo leh qorshe ganacsi oo cad iyo hawlo socda oo ku jira mid ka mid ah qaybaha bartilmaameedka waa lagu dhiirrigelinayaa inay codsadaan. Si kastaba, mudnaanta waxaa la siinayaa ganacsiyada leh taariikh hawleed iyo suuq muuqda.

Sidee loo codsadaa?

Ganacsiyada daneynaya waa inay buuxiyaan foomka codsiga ee online-ka ah oo ku lifaaqan qoraalka Baaqa (EOI). Fadlan hubi in macluumaadka aad bixiso uu yahay mid sax ah oo dhammeystiran.

Goorma ayuu barnaamijku ku egyahay codsiyada?

Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiyada waa 13-ka Sebtember, 2025. Codsiyada ka dib waqtigaas ma la tixgelin doono.

Maxaa nooc oo taageero ah ayaa la siin doonaa ganacsiyada la doorto?

Ganacsiyada la doorto waxay heli doonaan taageero farsamo oo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga, tababaro maareyn maaliyadeed, iyo fududeyn helitaanka maalgelin. Taageeradu waxay ujeedadeedu tahay inay ganacsiyada ka dhigto kuwo diyaar u ah maalgashi.

Ma maalgelinta tooska ah ayaa barnaamijku bixinayaa?

Haa, barnaamijka IRP ee SDRB ayaa bixin doona maalgelinta loo baahan yahay. Maalgelinta waxaa ka mid noqon kara deyn ama maalgashi toos ah oo ganacsiga lagu taageero

Ma loo oggol yahay ganacsiyada ka baxsan Soomaaliya inay codsadaan?

Barnaamijku wuxuu u furan yahay oo keliya ganacsiyada gudaha Soomaaliya ku sugan. Ganacsiyada ka baxsan Soomaaliya ma u qalmaan.

Muddo intee le’eg ayuu barnaamijku soconayaa?

Muddada taageerada waxay ku xiran tahay baahida ganacsiga, laakiin guud ahaan waxay qaadan kartaa dhowr bilood si loo hubiyo inay si buuxda u diyaar garoobaan maalgelinta.

Sideen ku ogaan karaa in codsigeyga la aqbalay?

Dhammaan codsadayaasha waxaa lagu soo wargelin doonaa xaaladda codsigooda. Ganacsiyada la soo xulay waxaa aay ugudbayaan stage-ka xiga.

Xaggee ayaan ka heli karaa taageero ama warbixin dheeraad ah?

Fadlan wixii su’aalo ah la xiriir IRP team: irp@sdrb.gov.so / 📞 +252 61 3277757, Waxaan diyaar u nahay inaan ku caawino.

Halkee ayaan ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka IRP?

Faahfaahin dheeraad ah iyo dukumentiyada rasmiga ah waxaa laga heli karaa lifaaqyada SDRB ku soo dirtay ama bogga rasmiga ah ee; SDRB IRP.

SME Investment Readiness Program (IRP)-Frequently Asked Questions (FAQ)

What is the SME Investment Readiness Program (IRP)?

The IRP is an initiative by the Somali Development and Reconstruction Bank (SDRB) aimed at strengthening small and medium enterprises (SMEs) in the agriculture, fisheries, livestock, and renewable energy sectors. It provides technical assistance, capacity building, and direct financing to help SMEs become investment-ready and grow their businesses.

Who is eligible to apply for the IRP?

Eligible applicants include SMEs and cooperatives operating within the agriculture, fisheries, livestock, or renewable energy sectors in Somalia. Preference is given to businesses with a viable business plan and a clear need for technical and financial support.

Can start-ups apply?

Yes, start-ups with a clear business plan and operational activities in one of the target sectors are encouraged to apply. However, priority will be given to SMEs with some operational history and demonstrated market potential.

How do I apply?

Interested SMEs should complete the online application form available via the Google Form link provided in the official Expression of Interest (EOI) documents and SDRB website. Please provide accurate and complete information

What is the application deadline?

The application deadline is 13 September 2025. Applications submitted after this date may not be considered.

What kind of support will selected SMEs receive?

Selected SMEs will receive tailored technical assistance including business development support, financial management training, and direct financing to help them prepare for and access investment.

Does the program provide direct financing?

Yes, financing will be provided jointly by the IRP in the form of loans or direct investments to eligible SMEs.

Are SMEs outside Somalia eligible to apply?

No. The program is open only to SMEs operating within Somalia.

How long does the program last?

The duration varies depending on the needs of the SMEs, but typically lasts several months to ensure comprehensive investment readiness.

How will I be notified of the outcome of my application?

All applicants will be informed of the status of their application via the contact information provided. Shortlisted applicants may be invited for further assessment.

Who can I contact for questions or support with my application?

Please contact the IRP team at: irp@sdrb.gov.so / 📞 +252 61 3277757. We are ready to assist you.

Where can I find more information about the IRP?

Additional details and official documents are available in the materials shared by SDRB or on the SDRB official website at https://sdrb.gov.so/